Faahfaahinta Warka
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ku saabsan hannaanka doorashooyinka. Wasiirku waxa uu ku baaqay in mucaaradku soo bandhigaan dood caafimaad qabta oo waafaqsan horumarka dowladnimada, halkii ay ka isku hayn lahaayeen doorasho dadban oo uu ugu yeedhay mid sharci darro ah. Faarax Sheekh Cabdulqaadir wuxuu caddeeyay in dowladdu ay sii joogi karto sanad ama laba sano oo kale haddii aan heshiis laga gaarin. Wuxuu mucaaradka ku booriyay inay isdajiyaan ooy meel iska dhigaan danaha shaqsiyeed, isagoo sheegay inay dowladda wax laga qabsan karo haddii dood caafimaad qabta loo keeno. Sidoo kale, wuxuu sheegay in doorashada qof iyo codka aanay u baahnayn in laga heshiiyo, maxaa yeelay sharci bay ku qoran tahay. Hadalkan ayaa soo baxay iyadoo mucaaradku sheegay inay ka biyo diideeni karaan in mudada madaxweynaha la kordhiyo, isla markaana marka laga gaaro 15-kii May 2026 ay u aqoonsan doonaan muwaadin caadi ah. somali