Faahfaahinta Warka
Xildhibaanada Soomaaliya, Faa'iso Maxamed Jayte, ayaa ka hadashay burburinta dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho, iyadoo ku tilmaantay mid murugo leh. Waxay sheegtay in roobabka xilliga roobaadku ay ku soo beegmeen burburka goobo ay dadku deganaayeen. Faa'iso ayaa shaki gelisay cidda ka danbaysa burburinta, iyadoo ku doodday in ay jiraan gacmo ka baxsan dowladda. Waxay qoraalkeeda ku sheegtay: "Waxaan aaminsanahay in cida duminta iyo baabi'inta dalka ay ka weyn tahay dowladda hadda jirta, dowladuna ay tahay fulinta baabi'inta taariikhda." Waxay intaas ku dartay in dowladda laga yaabo inay lacag ka qaadanayso si ay u burburiso dhulalka taariikhiga ah, iyadoo sheegtay in dad aan la soo bandhigin oo leh baasabooro shisheeye ay ka dambeeyaan. somali